Home WARARKA MAANTA Doorashada Maamulka Hirshabeelle oo dib loo dhigay

Doorashada Maamulka Hirshabeelle oo dib loo dhigay

3
0

Khamiis 20 2026 {CBB}War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay Doorashashooyinka ka qorsheeyay in ay 20 bishaan ka qabsoomaan Maamulka Hirshabeelle.

Guddiga ayaa dib u dhaca doorashada ku sababeeyay si loo dhammaystiro qaar ka mid ah howlaha doorashada ee weli socda.

Bayaanka Guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay weli ka socoto afar degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, taas oo ka mid ah sababaha uu guddigu u sheegay dib-u-dhigista doorashada.

Sidoo kale, guddigu wuxuu xusay in loo baahan yahay in ururrada siyaasadda loo siiyo fursad ay taageerayaashooda ugu abaabulaan doorashada, isla markaana loo fududeeyo soo gudbinta liisaska musharraxiinta u tartamaya kuraasta doorashada.

Labada toddobaad ee soo socota gudahood ayaa la filayaa in Guddiga Doorashooyinka ay soo saaraan Liiska Doorashada Maamulka HiHirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here