Khamiis 20 2026 {CBB}Lacagta Itoobiya ayaa qiimaheeda hoos u dhacay, iyadoo Dowladda dalkaasi ay ku dadaaleyso sidii ay uga soo kaban lahaayeen sicir bararkan.
Itoobiya waxay sanadkan ku bixisay $2.2 bilyan si ay u taageerto lacagteeda, laakiin haddana birr-ka ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay abid, isagoo 3.2% hoos ugu dhacay marka loo eego doollarka.
Sare u kaca qiimaha saliidda iyo kharashka soo dejinta badeecadaha oo kordhay ayaa sii kiciyay culayska saaran lacagta dalkaasi, iyadoo baahida loo qabo doollarka ay ka badatay inta la heli karo.
Lacagta Itoobiya ayaa wajaheysa khatar hor leh, waxaana ay kamid noqoneysaa lacagaha ugu qiimo hooseeya ee Qaaradda Afrika.
Ganacsatada iyo dadka shacabka ee dalka Itoobiya ayaa muujiyay walaac xooggan, maadaama qiimaha raashinka, gaadiidka, iyo adeegyada muhiimka ah ay kor u kaceen.
Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in haddii aan la helin xal waara iyo maalgelin caalami ah in ay adkaan doonto in Itoobiya ay ka soo kabsato sicir-bararka hadda jira.







