Home WARARKA CAALAMKA Maraykanka oo Muwaadiniintiisa ku sugan Urdun uga digay in ay tagaan saldhigyada...

Maraykanka oo Muwaadiniintiisa ku sugan Urdun uga digay in ay tagaan saldhigyada uu ku yeelay dalkaas

1
0

Axad 20, Sab 2026 {CBB}–War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Urdun ayaa muwaadiniinta Ameerikaanka ah lagu wargeliyay in aysan tagin saldhigyada Militari ee dalkaas uu ku leeyahay magaalada Cammaan maadaama ay bartilmaameed u noqdeen Iiraan.

Maraykanka ayaa sheegay in sidoo kale ay feejignaan xooggan muujiyaan muwaadiniintiisa ku sugan Dalka Urdun si aan dhibaato uga soo gaarin gantaallada ay tuurto Iiraan ee lagu beegsanayo Saldhigyada Washington ee dalkaas.

Dhowaan Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa xayiraad safar kusoo rogay muwaadiniintiisa doonaysa in ay tagaan Bariga Dhexe balse waxaa jira diblumaasiyiin iyo dad kale oo shaqooyin kale halkaas u tagaya.

Iiraan ayaa duqaymo culus ku beegsatay Saldhigyada Maraykanka ee Dalalka Khaliijka uu ku leeyahay, waxaa Xukuumadda Washington kasoo gaaray khasaara isugu jira Dhimasho, dhaawac iyo mid hanti inkasta oo ay qarisay inta uu gaarsiisan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here