Home WARARKA MAANTA Barakacayaal ku sugan Gobolka Bari oo xaalad adag wajahaya

Barakacayaal ku sugan Gobolka Bari oo xaalad adag wajahaya

1
0

Axad 20, Sab 2026 {CBB}–Boqollaal qoys oo horraantii bishaan ka barakacay Deegaanka Ceelgaal ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa wajahaya xaalado dhinaca nolosha ah, dadkaan waxaa saamayn taban ku reebay Roob Dabaylo watay iyo daadad xooggan oo galaaftay Xoolihii ay dhaqanayeen, Beerihii ay beeranayeen iyo qaarkood oo kalluumaysato ahaa.

Waxa ay hadda ku nool yihiin xero Barakac oo aanay ku helin waxyaabaha ay u baahan yihiin sida cunno ku filan, biyo nadiif ah, dhaqaale ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay kasoo barakaceen sida ay ku warrameen qaarkood oo la hadlay Warbaahinta.

Saddexda waqti ayay sheegeen in mar ay wax ka helaan, waxaa intaas dheer in Arday la socda qoysaskaan ay Waxbarasho la’aan noqdeen kuwaas oo saamayn taban ku reebtay Mustaqbalkooda isla markaana aanay hadda helin Waxbarashadii u socotay.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa loo gudbiyay cabasho la xiriirta in xal loo helo arrintaan si ugu yaraan Dadkaan dib u dejin loogu sameeyo deegaankooda maadaama ay hoos kasoo billaabayaan waxyaabihii ay ku tiirsanaayeen nolol ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here