Talaado 22, Sab 2026 {CBB}–Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay diyaarinta ciidamo u badan Dhallinyaro oo ay ku tababarayso xeryaha ciidanka maadaama ay doonayso in ay la wareegto mas’uuliyadda Amniga guud ee Dalka.
Dowladdu waxa ay horay Midowga Afrika uga heshay ballanqaad la xiriira in si buuxda loogu wareejinayo mas’uuliyadda Amniga isla markaana laga maarmi doonno ciidanka Afrikaanka ah ee ku howlgalla Howlgalka AUSSOM.
Waxa ay taageerro dhinaca Qalabka ah iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidamadaas ka raadisay Dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya oo qaarkood ay ka heshay ballanqaadyo ay u sameeyeen halka kuwo kale ay ka sugayso.
Ujeedka Dowladda waa in ay yeelato ciidamo ka dhisan Dhulka, Cirka iyo Badda kuwaas oo haysta qalabka casriga ah ee ciidamada dalalka horumaray ay haystaan iyada oo tababarro dheeraad ah ku qaadanaya gudaha Dalka.
Dalalka ugu badan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hesho taageerrada ciidanka waxaa kamid ah Turkiga oo si gaar ah diiradda u saaray dhismaha ciidamo qalabkooda u dhammaystiran yahay kuna tababartay gudaha dalka iyo dibadda.
Inkasta oo ay jiraan Dalal kale oo horay u sameeyay ballanqaadyo waxaa laga sugayaa in ay fuliyaan ballanqaadyadaas maadaama dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay socdaan oo xeryaha lagu xaraynayo dhallinyaro cusub oo tababar qaadan doonta.







