Talaado 22, Sab 2026 {CBB}–In ka badan 500 oo Carruur ayaa waalidkooda ku waayay daadadkii xoogganaa ee Dalka Nepal ku rogmaday 26kii August ee sannadkaan, waxaa hadda jira walaac laga muujinayo Mustaqbalka Carruurtaas maadaama aanay jirin cid isku xilsaartay daryeelkooda.
Carruurta Qaar waxa ay daadadkaas ku waayeen Aabe, Hooyo iyo qaar kamid ah walaalihii ka weynaa waana arrin u baahan in si gaar ah Dowladda Nepal mas’uuliyad isaga saarto Daryeelkooda iyo Waxbarashadooda.
Mid kamid ah Carruurta waalidkiisa ku waayay daadadkaas ayaa sheegay in uu sii arkayay Hooyadiis oo kasii dhacaysa Buur iyo Biyo xooggan oo dhankiisa kusoo socda inkasta lagu guullaystay in la badbaadiyo, waana xusuusta aan wanaagsanayn ee maskaxdiisa ku hartay.
Sidoo kale carruurta qaar ayaa marka ay hurdaan waxa ay kusoo kacaan riyo ay ku fasireen in ay tahay sida inay kusoo socdaan daadadkii xooggaa ee waalidkooda la tagay, waxa ay Dhaqaatiirtu sheegeen in ay u baahan yihiin la talin joogta ah.
Dadka Nepal ayaa weli qaarkood la’ ehelkooda oo kooxaha gurmadku ay sheegeen in ay qaarkood heleen maydadkooda balse la marinayo baaris hidde-sidaha ah si loo xaqiijiyo qofkaas ku dhintay daadadka ee jir ahaan isbaddelay.
Diiwaanka Dowladda waxaa ku jira in ay dhinteen 1,410 qof halka weli aan la hayn 6,145 kale oo loo badinayo in ay dhinteen waana tan keentay in tiradu ay isbaddeli karto maadaama ay socdaan baaritaanno la xiriira dadkaas.







