Talaado 22, Sab 2026 {CBB}–Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa maanta kulan gaar ah la qaadanaya Madaxda Dalalka Khaliijka ee ka qaybgalaysa shirka Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ka furmaya si ay uga hadlaan xaaladda Bariga Dhexe.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa tagay Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay inkasta oo aan la xaqiijin uu qayb ka yahay kulanka Donald Trump ee Madaxda Khaliijka waana mid indhaha lagu hayo.
Abbas ayaa soo maray Magaalada Dooxa ee Caasimadda Qatar isaga oo madaxda dalkaas u gudbiyay shuruudaha Iiraan ay ku joojin karto dagaalka ka socda Bariga Dhexe oo ah in laga qaado cunaqabataynta Dekedaha & Lacagta iyo in laga joojiyo weerarrada.
Donald Trump ayaa kulanka Madaxda Khaliijka u arka mid muhiimad gaar ah u leh maadaama dalalkaan qudhooda ay dhibaato kasoo gaartay weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Iiraan 28kii Febaraayo kaddib markii Tehran ay beegsaday Dalal kala duwan oo Carabta ah.
Trump ayaa maalin kahor sheegay in uu soo dhaweynayo la kulanka Madaxda Iiraan oo dal ku galka Maraykanka la siiyay si ay uga qaybgalaan Shirka Qaramada Midoobay ee looga hadlayo dhibaatooyinka ka taagan dalal badan sida Bariga Dhexe.







