Home WARARKA MAANTA Midowga Yurub oo dalbaday Maraakiib Dagaal si uu u adeegsado kahortagga Xuutiyiinta

Midowga Yurub oo dalbaday Maraakiib Dagaal si uu u adeegsado kahortagga Xuutiyiinta

0
1

Talaado 22, Sab 2026 {CBB}–Ururka Midowga Yurub ayaa dalbaday Maraakiib dagaal oo dheeraad ah si ay ugu adeegsadaan halista ka imaan karta Kooxaha Xuutiyiinta ah ee Yemen oo culays saaray Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed sida hadalka loo dhigay.

Midowga Yurub ayaa codsaday in ka badan 10 Markab oo ah kuwa dagaalka ah si ay u galbiyaan Maraakiibta Ganacsiga ee marinnadaas muhiimka ah, waxa ay Kaja Kallas oo ah madaxa Siyaasadda ee Arrimaha Dibadda ee EU sharaxday muhiimadda howlgalkaan uu leeyahay.

“Waxa aan u baahan nahay in ka badan 10 Markab oo ah kuwa dagaalka ah si aan uga hortagno Khataraha Xuutiyiinta ee Badda Cas & Gacanka Cadmeed” Sidaasi waxaa tiri Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas

Howlgalka Midowga Yurub ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ayaa horay loo qorsheeyay la dagaalanka burbad badeedda Soomaalida iyada oo ay hadda soo korortay halista laga cabsida qabo Kooxaha Xuutiyiinta ah ee Yemen Dhul muhiim ah qabsaday.

Dowladda Talyaaniga ayaa dhowaan sheegtay in ay la dagaalamayso Kooxaha Xuutiga ah haddii ay damcaan in ay halis ku noqdaan Maraakiibta maraysa Badda Cas iyo Gacanta Cadmeed sidaas awgeed waxa ay Roma soo dirtay Maraakiib dagaal.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here