Talaado 22, Sab 2026 {CBB}–Qiimaha Saliida Ceyriinka ah ayaa gaartay meeshii ugu hooseeysay muddo laba toddobaad ah, ka dib la muujiyay suuragalnimada in dib loo furo Marinka Hormus.
Sida ay warsineyso Warbaahinta Aljaseera, Fuustada Saliida Ceyriinka ooh ore u aheyd $98.33 ayaa gaartay $93.28.
Hamad Hussain, oo ah dhaqaaleyahan sare oo ku takhasusay Dhaqaalaha, ayaa sheegay in wararka ku saabsan suurtagalnimada in Iran ay dib u furto Marinka Hormus ay qayb ka yihiin sababaha hoos u dhaca qiimaha saliidda.
Dhanka kale, Sacuudiga ayaa dib u bilaabay hawlaha dhuumaha saliidda ee East-West Pipeline, taas oo suuragal ka dhigaysa in dalkaasi uu mar kale dhoofinta saliidda ka bilaabo dekedda Yanbu.
Suuqyada caalamka ayaa si dhow ula socda xaaladda Marinka Hormus, oo ah marin muhiim u ah gaadiidka saliidda ee dunida, iyadoo isbeddel kasta oo ku yimaada amniga iyo isu-socodka marinkaasi uu saameyn ku yeelan karo qiimaha saliidda iyo shidaalka caalamka.



