Talaado 22, Sab 2026 {CBB}–Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adda WFP, iyadoo si gaar ah looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed, baahiyaha dadka nugul iyo sidii loo dardargelin lahaa gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo.
Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay fududeynta iyo dardargelinta howlaha diyaaradaha WFP ee qaada gargaarka raashiinka iyo agabka kale ee loogu talagalay ka hortagga iyo wax ka qabashada saameynta El-Niño, si gurmadka loogu gaarsiiyo bulshada sida ugu dhaqsaha badan.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha gargaarka bani’aadantinimo ay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda, si loo hubiyo in gargaarku si habsami leh, ammaan ah oo hufan u gaaro dadka loogu talagalay.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Hay’adda WFP kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ee u baahan gurmadka bani’aadantinimo.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed, WFP iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimo, si loo kordhiyo waxtarka gargaarka loona hubiyo in uu gaaro dadka ugu baahida badan.




