Home WARARKA MAANTA Sawiro;-MW Soomaaliya oo New York kula kulmay Madax kala duwan oo ka...

Sawiro;-MW Soomaaliya oo New York kula kulmay Madax kala duwan oo ka qaybgalaysa Shirka QM

2
0

Arbaco 23, Sab 2026 {CBB}–Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada New York ee Dalka Maraykanka kula kulmay Madax kala duwan oo ka qaybgalaysa Shirka Qaramada Midoobay ee shalay furmay.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa kamid ah Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Dambudzo Mnangagwa iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Muhammad Shehbaz Sharif.

Kulamadaan waxaa diiradda lagu saaray sidii dalalkaan iyo Soomaaliya ay u xoojin lahaayeen xiriirka ka dhaxeeya isla markaana isu garab istaagi lahaayeen waqtiyada xaaladaha adag ay jiraan sida hadalka loo dhigay.

Si gaar ah waxa ay ku ballameen in ay iska kaashadaan Siyaasadda, Amniga, Horumarka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Dalalka ay madaxda u yihiin Mas’uuliyiinta kala duwan uu Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmay.

Halkaan hoose ka eeg sawirrada madaxda uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:

May be an image of text

May be an image of one or more people and dais

May be an image of dais and text

May be an image of one or more people

Soomaaliya ayaa garab istaag ka heshay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani oo khudbadadii ay jeediyeen kusoo hadal qaaday inay garab taagan yihiin midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah Madaxda berri jeedinaysa Khudbadaha ee ka hadlaysa Shirka Qaramada Midoobay isaga oo diiradda saari doonno xaaladda Dalka isla markaana codsiyo hordhigi doonna madaxda kala duwan ee halkaas ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here