Home WARARKA CAALAMKA Ciidul Adxa iyo Ciidul Fitriga oo lagu daray maalmaha fasaxa ee gobolka...

Ciidul Adxa iyo Ciidul Fitriga oo lagu daray maalmaha fasaxa ee gobolka California

2
0
None

Khamiis 1 Octber 2026 {CBB}Gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Eidul-Fidriga iyo Eidul-Adxaa, oo ah labada ciidood ee waaweyn ee Islaamka, kaddib markii Guddoomiyaha Gobolka California, Gavin Newsom, uu saxiixay sharci cusub.

Sida uu dhigayo sharciga, iskuullada dadweynaha iyo kulliyadaha bulshada ayaa xirmaya maalmaha Ciidul-Fidriga iyo Ciidul-Adxaa, iyadoo la raacayo habraacyada fasaxyada ee ay horay u lahaayeen.

Sharciga ayaa sidoo kale shaqaalaha dowladda gobolka ee u qalma siinaya fursad ay ku helaan fasax munaasabadaha labada ciidood.

Tallaabadan ayaa ka dhigaysa Ciidul-Fidriga iyo Ciidul-Adxaa munaasabadaha Islaamiga ah ee si rasmi ah loogu aqoonsaday jadwalka fasaxyada gobolka California.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here