Khamiis 1 Octber 2026 {CBB}Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa sheegay in iyaga oo kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanno ay ku sugnaayeen AS oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeymaha ay ka dhaceen nawaaxiga Welmaro, oo qiyaastii 40 KM dhanka galbeed kaga beegan Jilib, iyo nawaaxiga Cali Faarax, oo ku taalla qiyaastii 90 KM dhanka waqooyi-bari kaga beegan Jilib.
Qoraal ka soo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in Duqeymaha laga gaarey ujeedkii laga lahaa, isla markaasna uu jiro khasaare.
“Howlgalka wuxuu qayb ka yahay dadaallada ay AFRICOM, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku doonayaan in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab” ayaa lagu yiri Bayaanka AFRICOM.
Taliska ma aysan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymaha ama tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu bartilmaameedsaday.







