Isniin 5 Oct 2026 {CBB}Dowladda Masar ayaa sheegtay in Ciidankeeda qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay dhowaan usoo daabulayso Soomaaliya si ay kaalintooda uga qaataan waajibaadka ciidankaas saaran sida ay ku warrameen saraakiil katirsan Qaahira.
Masar ayaa kamid ah Dalalka loo ogolaaday in ay qayb ka noqdaan howlgalka AUSSOM ee lagu baddelay ATMIS 19kii December sannadkii 2024, waxa ay gashay diyaarinta ciidankaas iyada oo 25ka April 2025 xoogga saartay inay Soomaaliya usoo dirto saraakiil qiimaysa.
Inkasta oo aan Masar tan iyo xiligaas Soomaaliya usoo dirin Ciidankeeda waxaa hadda socda qorshe si degdeg ah ay usoo daabulayso ciidankaas iyada oo indhaha lagu hayo xiisadda ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan tan kala dhaxaysa Itoobiya.
Masar iyo Itoobiya ayaa labada kamid ah howlgalka AUSSOM, si dhab ah looma shaacin meelaha la gaynayo Ciidamada Masaarida, waxaana Magaalada Muqdisho ku sugan saraakiil ka socota Xukuumadda Qaahira oo xaaladdaan qiimayna.
Soomaaliya oo saaxiib la ah Itoobiya ayaa dhanka kale cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeeya Masar oo ay kula jirto heshiis dhinaca Amniga ah, labadaan Dowlad ee murankoodu dheeraaday ayay hal howlgal ku kulmin doontaa.
Xukuumadda Qaahira ayaa horay usoo bandhigtay ciidanka ay usoo dirayso Soomaaliya kuwaas oo qalab xooggan sida Gaadiidka ay adeegsanayaan wata, waxaana Muqdisho kol hore la keenay qalabkooda inkasta oo aan la ogayn inta uu la egyahay.







