Home WARARKA CAALAMKA Itoobiya oo ka jawaabtay bayaankii kasoo baxay Madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan &...

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaankii kasoo baxay Madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan & Eretareeya

1
0

Isniin 5 Oct 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa jawaab ka bixisay qodobadii xalay kasoo baxay shirkii afar geesoodka ahaa ee dhexmaray Madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eretareeya ee sida wadajirka ah uga soo saareen baaqa ku socda Xukuumadda Addis Ababa.

Itoobiya ayaa ku adkaysatay in ay ku soconayso danaha ay ka leedahay isticmaalka Biyaha Nile oo biyo xireen ay horay uga samaysatay, halka sidoo kale ay shaacisay in ay jirto dan ku riixaysa raadinta Marinka ay u marayso Badda Cas sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo bayaankaan maanta soosaartay waxa ay sheegtay in aanay ka gorgortami doonnin ilaalinta madaxbannaanideeda iyo dhulkeeda sidaas awgeed ay diyaar u tahay is difaacis ay ku samayso arrimaheeda.

Bayaankaan waxa ay Itoobiya ku muujisay in ay doonayso iskaashi nabadeed oo ay la yeelato dalalka kasoo horjeeda siyaasad ahaan balse waxa ay miiska dul dhigtay oo arrin aan dhinac looga bixi Karin ka dhigaysaa in looga dambeeyo biyaha Nile iyo damaceeda gaarista Badda Cas.

Hadalkaan waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo Madaxda Masar, Eretareeya, Soomaaliya iyo Suudaan ay soo jeediyeen in aanay Xukuumadda Addis Ababa keli ku noqon ka faa’iidaysiga Biyaha Nile iyada oo horay u dhistay biyo xireen si ay koronto uga dhaliso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here