Isniin 5 Oct 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Ballanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud halkaas uu uga qaybgalayo gogol lagu soo xirayo dib u heshiisiin loo sameeyay beelo maleeshiyaad kasoo jeeda ay horay u dagaalameen.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa qayb ka ahaa xubnaha soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ballanbale waxaa muddooyinkii dambe ka socday wadahadallo dhexmaray Odoyaasha dhaqanka ee Beelaha Maleeshiyaadkooda horay u dagaalamay si nabad loo qaato loona dhaqangeliyo qodobadii ay ku heshiiyeen.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa lagu wadaa in kulanka kaddib uu kormeero qaybo kamid ah Gobolka Galgaduud sida xarumo lagu tababarayo ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaarinayso iyo goobo kale.







