Home WARARKA MAANTA Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay Madaxa UNDSS Soomaaliya

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay Madaxa UNDSS Soomaaliya

1
0

Isniin 5 Oct 2026 {CBB}Baydhabo: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isack Mohamed Isack (Korsaar), ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madaxa UNDSS Soomaaliya, Mudane Saleh Tembo, oo booqasho ku yimid magaalada.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, iyadoo si gaar ah loo qiimeeyay xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo sii xoojin lahaa isku-duwidda hay’adaha amniga Dowladda Koonfur Galbeed iyo UNDSS.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Mohamed Yasin, saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo masuuliyiin kale oo ka socday UNDSS.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada dhinaca amniga, badqabka iyo ilaalinta shaqaalaha iyo xarumaha Qaramada Midoobay ee ku yaalla Koonfur Galbeed, iyo muhiimadda ay leedahay wadaagista xogaha la xiriira xaaladda amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyey Madaxa UNDSS Soomaaliya iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bah-wadaagta caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here