Isniin 5 Oct 2026 {CBB}Baydhabo, 5 Oktoobar 2026: Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo ayaa lagu qabtay kulan lagu howlgelinayay Guddiga Ka Hortagga, Diyaargarowga iyo Wax-ka-qabashada khataraha fatahaadaha iyo xaaladaha la xiriira El Niño.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaano, guddoomiyeyaasha 10-ka xaafadood ee magaalada Baydhabo iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta diyaar-garowga iyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan, si loo yareeyo saameynta fatahaadaha iyo khataraha ka dhalan kara roobabka xoogan iyo xaaladaha El Niño.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Kalay, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo qorshe mideysan oo looga hortagayo saameynta fatahaadaha, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta maamulka degmada, xaafadaha iyo hay’adaha ay khuseyso.
Guddiga ayaa lagu wadaa inuu door ka qaato diyaar-garowga, wacyigelinta bulshada iyo isku-duwidda howlaha wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah ee ka dhalan kara fatahaadaha iyo roobabka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah ee saameyn kara bulshada ku nool magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran.








