Talaado 6 Oct 2026 {CBB}War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Riyadh ayaa Muwaadiniinta Ameerikaanka ah looga digay in ay u safraan Boqortooyada Sacuudi Carabiya si looga hortago waxyeello kasoo gaari karta duqaymaha Xuutiyiinta ay ku beegsanayaan Dalkaas.
Bayaanka Safaaradda Maraykanka ee Sacuudiga ayaa intaas lagu daray in Washington ay Muwaadiniinteeda joogta Dalkaas carbeed ay ku wargelineyso in ay ka fogaadaan meelaha bartilmaameedka u ah Xuutiyiinta ee aagga khatarta loo aqoonsan yahay.
Waxaa intaas lagu daray in ay si joogta ah usoo gudbiyaan culayska ama halista kusoo kororto waa muwaadiniinta Maraykanka ah ee joogta Boqortooyada Sacuudi Carabiya halka kuwa ku wajahan lagu amray in ay ka baaqsadaan u safarka dalkaasi.
Maraykanka waxa uu inta badan muwaadiniintiisa ka joogaa dalalka colaadaha ka jiraan iyo meelaha kale ee lagu beegsan karo, Fariimo joogto ah ayaa dadkaas loo mariyaa safaaradaha dalalka looga digayo halistaas sida marar badan horay u dhacday.







