Sabti 31 Oct 2026 {CBB} Telefishinka Ruushka ee RT, ayaa ku sheegay mid ka mid ah waxyaabaha ku qasbay inay Israa’iil ka harto weerarradii u dambeeyay ee Mareykanka ku qaaday Iiraan, inay la xiriirtay dhibaato ay ka wajahaysay askarta Israa’iil oo qaar ka mid ah si toos ah ugu gudbinayay sirdoonka Iiraan xogta qorshayaasha militari ee Israa’iil ay doonayso inay ku weerarto Iiraan.
Warbixinta waxay soo qaadatay askari Israa’iili ah oo lagu magacaabo Lee Ayash, oo lagu eedeeyay inuu sirdoonka Iiraan xog siinayay isaga oo lacag ku qaadanayay lacagaha dhijitaalka ah (Crypto), kaasoo gudbiyay warbixinta weerarradii u horreeyay ee Israa’iil ay ku qaaday gudaha Iiraan, oo la sheegay inay sirdoonka Iiraan sii oggaayeen goobaha ay Israa’iil beegsanayso.
Askarigan ayaa sidoo kale la wadaagay Iiraan xog ku saabsan:
•Dhaqdhaqaaqa ciidamada Israa’iil.
•Goobaha ay ciidamadu ka hawlgalaan.
•Sawirro laga qaaday diyaaradaha Mareykanka ee shidaalka siiya diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo ku sugnaa Israa’iil.






