Home WARARKA MAANTA Baasaboorka cusub Soomaaliya muxuu kaga duwan yahay kuwii hore.?

Baasaboorka cusub Soomaaliya muxuu kaga duwan yahay kuwii hore.?

1
0

Sabti 31 Oct 2026 {CBB}Baasaboorka cusub wuu ka badalan yahay muuqaalka kuwii hore, kiisa caadiga ah wuxuu ku soo baxayaa midabka buluuga cirka oo kale ah, halka kan shaqaallaha uu ku soo bixi doono midab cagaar ah, halka kan diblomaasiga ahna uu ku soo bixi doono midab casaan ah ama guduud.

Xaashiyaha gudihiisa ku yaala waxa lagu xardhay astaamo muujinaya goobbaha taariikhiga ah ee dalka, khayraadka dabiiciga ah iyo duurjoogta dalka ku nool.

“Aduunyadu horumar ayay sameynaysaa, qalabkii hore ee Baasaboorada lagu sameyn jiray hadda laguma sameeyo, teknolojiga, qalabka, sancada iyo calaamaddaha amniga iyo khatarraha amni ee la soo gudboonaaday dukumintiyada waxay noqdeen kuwo aad u badan, marka waan ku khasbanahay in aan Baasaboorkeena casriyeyno” ayuu yiri Xuseen Iidow.

In loo guuro Baasaboorka cusub waxaa gacan weyn ka geystay sida ay sheegayaan madaxda hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya, helitaanka nidaamka aqoonsiga digitalka iyo kaarka aqoonsiga Qaranka ee la bilaabay bishii Sebtembar 2023, iyadoo dadka hadda qaatay kaarkaasi lagu qiyaasay muwaadiniin ku dhaw hal milyan iyo bar.

Muddo dheer ayay mushkilad ka taagnayd in qofka la caddeeyo dhalashadiisa, iyadoo marka hore aan la hayn xogta muwaadinka oo dhamaystiran, hayeeshee wali waxa socda diyaarinta iyo hirgalinta shuruucda iyo hab raacyda lagu xoojinayo nidaamka aqoonsiga qofka.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here