Home WARARKA CAALAMKA Ma lagu tagi karaa baasaboorka cusub ee Soomaaliya Fiiso la’aan Dalalka ku...

Ma lagu tagi karaa baasaboorka cusub ee Soomaaliya Fiiso la’aan Dalalka ku jira Ururka Bulshada Bariga Afrika?

1
0

Sabti 31 Oct 2026 {CBB}Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika dabayaaqadii sannadkii 2023, waxaana codsigeeda kamid noqoshada uu ururku si rasmi ah u aqbalay 24-kii Noofeembar 2023.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15-kii Diiseembar 2023 saxiixay heshiiska ku biirista ururka. Afartii Maarso 2024 Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dhammaan shuruudihii sharciga ahaa ka dib markii uu Barlamaanku ansixiyay, waxayna noqotay xubinta 8-aad ee ururka.

Haddaba Baasaboorka cusub ee Soomaaliya ma lagu tagi doonaa dal ku gal la’aan wadamada Ururka Bulshada Bariga Afrika, su’aashaas waxan hor dhignay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Xuseen Iidow, wuxuuna ku jawaabay “Ururka Bulshada Bariga Afrika waxa uu leeyahay hab raacyo iyo xeerrar ay tahay dawladdaha xubnaha ka ah inay ansixiyaan, hab raacyadaas in badan oo kamid ah Soomaaliya way sameysay, inna way u dhimman yihiin, waxaan ku rajo weynahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo buuxin doono, isu socodka Soomaaliya iyo Bulshada Bariga Afrikana haddaba waa fiican yahay, wuuna ka sii fiicnaan doonaan marka la dhaqan galiyo Baasaboorka cusub” ayuu yiri.

Xukuumadda iyo Barlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay meel mariyaan xeerrarka iyo hab raacyada lagama maarmaanka ah ee loogu talagalay inay sahlaan socdaalka.

Madaxda Socdaalka ee Soomaaliya ayaa filaya marka uu soo baxo Baasaboorka cusub dhammaadaka sannadkan, in uu wax badan ka badali doono safarrada muwaadiniinta Soomaaliya oo culeyso joogta ah kala kulma garoomada iyo xuduuddaha wadamada ay u safraan si kuwan muwaadiniinta dallalka kale ee dunida, taas oo soo taxnayd tan iyo qaran jabkii Soomaaliya 1991-kii.

Muwaadinka sita Baasaboorka Soomaaliya ayaa ku dhibtooda helitaanka dal ku galka wadamo badan oo caalamka ah, kuwaas oo qaarkoodba aanay aqoonsanayn.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here