Baydhabo, 2-da November 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka 100-kii maalmood ee ugu horreeyay Xukuumadda Dowladda Koonfur Galbeed.
Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa lagu soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka Xukuumadda muddadii 100-ka maalmood ahayd, iyadoo diiradda la saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, adeegyada bulshada, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.
Sidoo kale, waxaa la faahfaahiyay qorshayaasha iyo barnaamijyada mudnaanta u leh Xukuumadda, caqabadihii jiray iyo tallaabooyinka la qaaday si loo dardargeliyo howlaha Dowladda iyo adeegyada bulshada.
Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa bogaadiyay dadaallada ay muujiyeen Golaha Wasiirrada iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda muddadii 100-ka maalmood ahayd, isagoo ku boorriyay in la sii xoojiyo dadaallada horumarineed iyo wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda.
Hoggaamiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta koowaad ee Dowladda ay tahay sugidda amniga, xoojinta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan adeegyo dowladeed oo hufan oo tayo leh.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo qiimeynta waxqabadka hay’adaha Dowladda.
halkan Daawo;- Muqaalka 100 Maalmood KGS.
Sawiro;-Hoos








