Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Kgs Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Afar Iskuul...

Sawiro;-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Kgs Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Afar Iskuul Oo Ku Yaalla Afgooye

4
0
default

Axad  15  Nov 2026 {CBB}Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Dr. Ibraahim Axmed Nuur, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay afar iskuul oo ku yaalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka ayaa kormeerka waxaa ku wehelinayay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Shabeellaha Hoose, Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Afgooye iyo Kormeeraha Waxbarashada Degmada Afgooye.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd la socodka xaaladda guud ee dugsiyada, habsami u socodka waxbarashada iyo qiimeynta tayada adeegyada waxbarasho ee ay helaan ardayda.

Wafdiga ayaa intii ay ku jireen kormeerka u kuurgalay xaaladaha iskuullada, iyaga oo la kulmay maamulka iyo macallimiinta, si ay xog uga helaan baahiyaha iyo caqabadaha ka jira goobaha waxbarashada.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed ee lagu xoojinayo dabagalka dugsiyada iyo horumarinta tayada waxbarashada guud ahaan deegaannada maamulka.

default
default
default
default

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here