Isniin 10 Aug 2026 {CBB}Muqdisho, 10 Agoosto 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Vikram Parekh, iyo Ku-xigeenka Wakiilka Deganaanshaha ee UNDP, Mudane Christopher Laker.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga, dib-u-heshiisiinta, iyo taageerada dhinacyada horumarinta iyo arrimaha bini’aadantinimada.
Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay si joogto ah u siiso Soomaaliya, gaar ahaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada uu Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed uga jiro magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu kula kulmayo madaxda iyo hay’adaha kala duwan si loo dardargeliyo wada-shaqeynta iyo horumarinta danaha shacabka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka qeyb galay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed.







