Arbaco 4 Nov 2026 {CBB}Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa si rasmi ah u ansixiyey natiijada doorashadii baarlamaanka ee toddobaadkii hore ka dhacday dalkaas, kaddib markii baaritaan lagu sameeyey aan lagu helin wax caddeyn ah oo muujinaysa musuqmaasuq ama wax-is-daba-marin saameeyey natiijada codbixinta.
Go’aankan ayaa yimid xilli Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu su’aal gelinayey hufnaanta doorashada.
Munaasabad lagu shaacinayey natiijada rasmiga ah oo ka dhacday hoyga Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa waxaa ka hadlay Garsooraha Maxkamadda Sare, Noam Sohlberg, oo sheegay in dadka shaki geliya natiijada doorashada ay khatar ku yihiin dimuqraadiyadda Israa’iil.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameeyey 9,069 goobood oo codbixineed, balse aan la helin wax khaladaad ah oo wax u dhimaya hufnaanta doorashada ama beddeli kara natiijadeeda.
Ansixinta natiijada ayaa soo afjartay murankii ka dhashay hufnaanta doorashada, iyadoo natiijada rasmiga ah ay hadda waddada u xaareyso marxaladda xigta ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Israa’iil.







