Home WARARKA MAANTA DFS oo sheegtay in Ciidanka Xoogga diyaar u yihiin la wareegidda mas’uuliyadda...

DFS oo sheegtay in Ciidanka Xoogga diyaar u yihiin la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.

2
0

Axad 8 Nov 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mareykanka u sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, kaddib markii ay dhawaan ciidamada Uganda kala wareegeen saldhigga howlgalka AUSSOM ee magaalada Baraawe.

Arrintan ayaa lagu sheegay kulan dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Ruth Anne Stevens-Klitz, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga iyo taageerada Mareykanka ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiso ciidamada Soomaaliyeed, isaga oo xusay dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here