Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh oo sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay wadahadalka...

MW Xasan Sheekh oo sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay wadahadalka shacabka Hiiraan

2
0

Axad 8 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay nabad kula noolaato shacabka gobolka Hiiraan, isaga oo xusay in uu diyaar u yahay in uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada ay khilaafaadku ka dhexeeyaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in caasimadda maamulka Hirshabeelle ay tahay in ay ku taallo gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Hoggaamiye ku-xigeenka Macawiisleyda gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Afrax, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay fasaxday mushaarka qaar ka mid ah ciidamada Macawiisleyda ee gobolka.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in dowladda ay qorsheyneyso in ay diiwaangeliso ilaa 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada deegaanka ee Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here