Home WARARKA MAANTA Hogaamigii hore Galmudug Qoorqoor “Laftagareen saaxiibo ayaan nahay waana raadinayna”

Hogaamigii hore Galmudug Qoorqoor “Laftagareen saaxiibo ayaan nahay waana raadinayna”

2
0

Isniin 9 Nov 2026 {CBB}Hogaamigii  hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu raadinayo saaxiib Cabdicasiis Laftagareen oo marar badan tilmaamay in erdo loo diray balse aanay dhankiisa lasoo eegin.

Axned Qoorqoor ayaa sheegay in mas’uuliyad ay ka saaran tahay sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka jira oo caqabad ku ah xorumarka dalka, waxaana uu intaas ku daray in noqonayo qof kaalintiisa ka qaata xal weliba oo la heli karo.

Qoorqoor ayaa intaas ku daray in aanay jirin ergo si gaar ah loogu soo diray, isaga oo ka jawaabaya hadalka ka yimid Laftagareen uu wufuud u diri doonnaan isagana uu u tagi doonno sida uu hadalka u dhihay madaxwehnihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Hogaamigii hore ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen waxa aan ahayn saaxiibo, marar badan Wareysiyo uu bixiyay waxa uu ku sheegay in wafdi la ii soo diray, wafdiyana waan u diraynaa” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii hore ee DG Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor

Lama oga sida uu Cabdicasiis Laftagareen uga jawaabi doonna fariinta uu u gudbiyay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor maadaama uu marar badan wareysiyo uu bixiyay kusoo hadal qaaday in dhinaca Madaxda Dowladda uu ka aaday kaddib erdo loo diray oo qancisay balse dhankiisa awood lagu maquuniyay waa sida uu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here